4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Diyaar garowga u dambeeyay ee maalmaha xorriyadda oo ka socda Muqdisho


Talaado, June, 25, 2019 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa caasimadda Muqdisho ka wadda diyaar garow la xiriira toddobaadka xorriyadda oo Arbacada berri ah ka billaaban doona.

Waddooyinka waa weyn ee caasimadda Muqdisho ayaa aad looga dareemaya diyaar garowga, waxaana socda dedaallo ay wadaan guddi loo xilsaaray.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada   maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo ayaa sheegay sannadkan inuu xuska maalmaha xorriyadda u dhici doono si weyn.

Gobollada kale ee dalka ayaa sidoo kale uu ka socda diyaar garow la xiriira toddobaadka xorriyadda oo sannad walba dalka laga xuso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]