4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Kenya Airways oo qorsheynaysa duulimaad toos ah oo ay ku tagto magaalada Hargeysa



Talaado, June, 25, 2019 (HOL) –Shirkadda diyaaradaha ee dowladda Kenya ayaa diyaarinaysa sidii ay duulimaad toos ah ugu tagi lahayd magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland, sida lagu baahiyay shabakadda arrimaha ganacsiga ka faalloota ee Busiweek.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kenya Airways ay mar hore daraasaad suurto-galnimo ah ku samaysay duulliimaadyadda ay ku tegi doonto magaalada Hargeysa, iyadoo Baarlamaanka dalkaasi fasax u siiyey inay u duuli karto Hargeysa, inkastoo aysan arrintaasi weli dhicin.

Muwaadiniin Kenyan oo lagu qiyaasay 15,000 oo qof ayaa ku nool, kana shaqeysa gudaha Soomaaliland. Balse duulimaadka toos ah ee Kenya Airways ay ku tageyso magaalada Hargeysa ayaa ku soo aaddaya xilli uusan wanagsaneyn xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa horey xukuumadda Nairobi ay u joojisay duulimaadyo toos ah oo isku xirayay caasimadda Muqdisho iyo magaalada Nairobi, waxaana hadda shirkadda duulimaadka Kenya ay ku sheegtay duulimaadka Hargeysa inuu noqon doono bar-tilmaameedkooda xiga ee mandiqadda geeska Afrika.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]