4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Mareykanka oo sheegay in Iiraan uu ku soo rogay cunaqabateyn dhaqaale

 

Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Madaxweyne Trump ayaa qalinka ku duugay cuanqabateyn cusub uu ku soo rogay dalka Iran, cunaqabateynka oo saameyn u geysanaya hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

Mr Trump wuxuu sheegay inuu cunaqabateynkan cusub uu yahay mid jawaab looga dhigayo diyaraddi aan duuliyaha lahayn uu Mareykanku lahaa ee ay Iran soo ridday iyo falal kale oo ay ku dhaqaaqday.

Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ee ugu sarreeya Iran "ayaa ka masuul ah dabeecadaha qallifan uu caadeystay maamulka Tehran" ayuu yiri Mr Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Javad Zarif wuxuu sheegay "Mareykanka in uu quursaday Diblumaasiyadda."

Mareykanka marka uu cunaqabateynka cusub ku dhawaaqay kaddib wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Iiran Mr Zarif boggiisa Tweetarka uu ku qoray wuxuu Mareykanka ku eedeeyey inuu yahay "dal dagaal u heellan".

Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid “adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka” ee dayuuraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]