4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo mar kale War ka soo saartay doorashada Galmudug

 

Isniin, June, 24, 2019 (HOL) – Qoraal ka soo baxay mar kale xafiiska Wasaarradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug ka dhici doonto degmada Dhuusa-Mareeb 4ta bisha July ee nagu soo foolka leh.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ku sugna degmada Dhuusa-Mareeb ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ee horay ugu biiray maamulka Galmudug, kuwaa oo la sheegay in ay ku heshiiyeen in doorashadu 4ta bisha July ka dhacdo Dhuusa-Mareeb.

Warkan ayaa soo baxaya xili maalintii shalay degmada Dhuusa-Mareeb oo xarun u aheyd maamulka Galmudug uu isaga tagay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka biyo diidan go’aanka dowladda ee mudo xileedka Galmudug.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]