3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2019
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka shaqaalaha adduunka ee Geneva ka socda

Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka ayaa inta badan diiradda saaray dedaalada wasaaradda iyo xukuumadda ay ku jiraan sida ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenku shaqooyin ugu heli lahaayeen gudaha dalka.

"Kulankan waxa uu ka tarjumayaa saamaynta ballaaran ee hey’adda Shaqaalaha dunidda ee ILO ay ku yeelatay nolosha shaqaalaha dunida boqolkii sano ee la soo dhaafay.Soomaaliya hay’adaheeda shaqaalaha waxa ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen in ay sharciyo iyo nidaamyo dhinaca shaqada la xiriira ka yagleelaan wadanka.Waqtiyadii adkaa ee dagaallada sokeeye iyo xasilooni daradda ,ILO waxa ay ahayd mid Soomaaliya la garab taagan taageero ,dhiira-galin iyo waliba hagid.Shirkan aynu joogno waxaan u baahan-ahay in aan qiimaynno Gap-ka u dhaxeeya rajada dadka ee ku aaddan shaqada iyo xaqiiqda runta ah ee jirta.Soomaaliya gudaheeda ,waxan ogaannay in shaqo yaraantu ay tahay waxa lagu cabiri karo gap-ka u dhaxeeya  xaaladda aynu ku shaqaynayn-no iyo rajadu shacabka Somaliyeed ka qabaan nolol wanaagsan.Tani maaha xaalad ku gooni ah Soomaaliya , waddamada qaar shaqadu waxa ay u tahay waddada lagu dhimo faqriga laguna gaaro horumar caalami ah." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

"Marka su’aashu waxa ay noqonaysaa halkee Ayaan ka nimid sidoo kale maxaan ilaa iyo hadda xaqiijnnay. Suaa’shu waxa ay ahmiyad sii yeelanaysaa marka aynu xalinno shaqa la’aanta iyo sinnaan la’aanta sii kordhaysa.Caqabadaha aynu maanta wajahaynno boqol sanno ka dib markii la asaasay hey’adda shaqaalaha adduunka ee ILO , waxa ay noogu baaqayaan in aynu la nimaano go’aamo horumarsan oo rajo galinaysa boqollaalka milyan ee shaqa la’aanta ah ,taasi oo ay ku doonayaan cadaalad bulsho, taasina waa mid loo baahan-yahay in aynu aqbalno oo aynu badalno.

Dowladdeenu waxa ay soo dhaweynaysaa warbixinta ka soo baxday Hoggaanka sare ee ILO ,kaasi oo si cad u qeexaya in aynu maal-gashano awoodaha muwaadiniinteena. Waxaan kaloo u baahannahay in shaqaalaheena shaqo la isku halayn karo ay helaan.Waxaanu taageeran-sanahay dib u cusboonaysiinta arrimaha bulshada oo dhan ,kuwaasi oo ay ku jiraan asaasiyaadka horumarinta aadamaha.

Shaqaalaha waa in lagu taageero fursaddo ay ku hormarin karaan xirfadahooda. Waa in aynu si wada jir ah u dhiirra-galino ilaalinta bulshada,taasi oo u ogolaanaysa in la dhiso maamullo xilligan la joogo ku habboon shaqaale weynaha dunidda.Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hubiso , isla markaana diiradda saarto in ay  shaqooyin iyo fursado dhaqaale u abuurto dhallinyarada waddanka , inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca aminga ah iyo weerarro lagu handado wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha bulshada." ayuu ku daray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Waxaa kalo uu shirka ka caddeeyay  dowladda Soomaaliya inay ka go'antahay in la dhiso hiigsiyo horumarineed oo la isku halayn karo, 'taasina waxa ay ku caddahay siyaasadaheena iyo sharciyada aynu maal-gashannay ee dhinaca shaqaalaynta iyo ilaalinta bulshada, kuwaasi oo gundhig u noqon doona cadaalad iyo isku duubni bulsho." ayuu yiri isagoo inta ku daray "Qaar kamid ah dhalinta waddankeena waa shaqo la’aan ,sidoo kale ma lahan xirfadihii looga baahnaa goobaha shaqada ee maanta iyo shaqooyinka mustaqbalka soo bixi doona.Dowladdu waxa ay si dhow ula shaqaynaysaa ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay si ay u horumariso una abuurto jawi hal abuur ,kaasi oo dhallinyarada shaqooyin u abuuri kara ,isla markaana la socda baahida kordhaysa ee qarnigan 21-aad."

Waxaa kalo uu sheegay arrimaha oo dhan inay hoos u dhigayaan khatarta halista leh ee tahriibka ,taasi oo dhallinyaradu ku doonayaan nolol tooda dhaanta. Iyada oo la eegayo mustaqbalka waa in ay xoojin-no go’aankeena ku aaddan difaacidda xuquuqda shaqaalaha.Waxaan dhamaanteen isla qaadanay in shaqo la’aantu iyo faqrigu  ay taabteen boqollaal milyan oo dad ah ,kuwaasi oo kala jooga waddamo kala duwan oo daafaha dunidda ah , isla markaana dumarka iyo dhallinyaradu ay yihiin kuwa dhibta ugu badani ay ka soo gaarto." ayuu raaciyay wasiir Warfaa oo gabagabadii sheegay "Aan si wada jir ah uga shaqaynno sidii aynu u hirgalin lahayn Mabaadi’da hey’adda ILO ee ku dhisan wadda hadalka bulsho ,ilaa iyo haddana ILO waxa ay ahayd mid ku taagan u jeedkii loo asaasay 100 sanno ka hor."

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madax dowladaha ayaa shirka ka qeybgalay, kaaso ku aadday sannad-guurradii boqollaal ee hey'adda shaqaaha adduunka, waxaana wasiirka shaqada Soomaaliya uu shirka ka qeybgalay isagoo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/14/2019 12:26 PM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa intii ay maqnaayeen safaro ku tegey dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

6/14/2019 10:43 AM EST
jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Xarunta Daraasaadka ee Center for Policy Analysis ayaa cilmi baadhis ka samaysay tayada dugsiyada waxbarashadda Somaliland iyo kala saraynta nololeed ee ay keenayso waxbarashada la ganacsiyeeyey.

6/14/2019 10:39 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Waxaa dib hawada ugu soo laabtay Internetkii dalka Itoobiya oo ilaa shalay hawada ka naqnaa, waxaana xanibnaa sidoo kale farriimaha gaagaaban ee telefanka laga isticmaalo.

6/14/2019 8:40 AM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisey shirar maamlaamahn magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

6/14/2019 7:30 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

6/14/2019 3:46 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)- Kaddib kulamo is daba-joog ah oo ilaa xalay ka soconayay magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in leysu furo guud ahaanba magaalada kaddib markii la soo afjaray xiisadii ka dhalatay dilkii taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaanshaale Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

6/14/2019 1:30 AM EST
Jimco, June, 14, 2019(HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay Shirka sanadlaha ee Bangiga Aduunka ee ka dhacay dalka Equitorial Guinea ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.