3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2019
Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalalka Shiinaha, Imaaraadka iyo Itoobiya


Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa intii ay maqnaayeen safaro ku tegey dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa guulo waaweyn kasoo gaaray safarkiisa muddadii uu ku maqnaa, wuxuuna heshiisyo kala duwan la soo galay dalalkaasi iyo shirkado caalami ah oo u diyaarsan maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

"Waxaan aad iyo aad idiinka mahadcelinayaa soodhawayntii diiranayd ee aad igu soodhawayseen, waxaan sidoo kale Alle uga mahadcelinayaa raxmaddiisa iyo nabadgelyada uu nagu manaystay, safar dheer oo China, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaan isku soo maray, waxyaabo badan oo aan filayo in ay horumarka dalka ka qeyb-qaadan doonto ayaan kasoo wada-hadalnay Warbixin balaaran ayaan la wadaagi doonaa dowladda iyo shacabkaba.. Waxaan filayaa in Ethopian Airlines Puntland ka bilaabi doonto duulimaadyo joogto ah, meelaha ciladuhu ka haysteen dalka waxaa ka mid ahaa isu socodka cirka, badda iyo dhulkaba, waad aragtan oo 40 sano ka dib wuu sii burburayaa laamigii, waxyaabaha aan xoogga saarayno ka xukuumad ahaan waxaa ka mid ah in adduunku noo furnaado, anaguna aan u furnaano." ayuu yir madaxweynaha Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
6/14/2019 12:55 PM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

6/14/2019 10:43 AM EST
jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Xarunta Daraasaadka ee Center for Policy Analysis ayaa cilmi baadhis ka samaysay tayada dugsiyada waxbarashadda Somaliland iyo kala saraynta nololeed ee ay keenayso waxbarashada la ganacsiyeeyey.

6/14/2019 10:39 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Waxaa dib hawada ugu soo laabtay Internetkii dalka Itoobiya oo ilaa shalay hawada ka naqnaa, waxaana xanibnaa sidoo kale farriimaha gaagaaban ee telefanka laga isticmaalo.

6/14/2019 8:40 AM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisey shirar maamlaamahn magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

6/14/2019 7:30 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

6/14/2019 3:46 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)- Kaddib kulamo is daba-joog ah oo ilaa xalay ka soconayay magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in leysu furo guud ahaanba magaalada kaddib markii la soo afjaray xiisadii ka dhalatay dilkii taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaanshaale Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

6/14/2019 1:30 AM EST
Jimco, June, 14, 2019(HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay Shirka sanadlaha ee Bangiga Aduunka ee ka dhacay dalka Equitorial Guinea ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.