Xarunta CPA oo daraasad ka samaysay kala sareynta nololeed ee ay keenayso waxbarashada la ganacsiyeeyey
Jimco, June, 14 2019 (HOL)- Xarunta Daraasaadka ee Center
for Policy Analysis ayaa cilmi baadhis ka samaysay tayada dugsiyada
waxbarashadda Somaliland iyo kala saraynta nololeed ee ay keenayso waxbarashada
la ganacsiyeeyey.
Warbixin dheer oo ay ka qortay
daraasadan ay ka diyaarisay tayada waxbarashada ayaa u qornaa sidan:
“Somaliland Ardayda dhigata dugsiyada Hoose Dhexe ee Dawladda[1] waxaa lagu
qiyaasayey sannadkii 2018 inay gaadhayaan illaa 153,077 arday oo ay waxbaraan
macalimiin tiradoodu noqonayso 6057 macalin, halka tiro kale oo intaas ka badan
oo arday ahina ay dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay. Sannad dugsiyeedkii 2015/2016
waxaa tirada dugsiyadu noqotay 1,145 dugsi “oo 989 dugsi oo ka mida ay dawladdu gacanta ku haysay iyo
156 dugsi oo gaar loo leeyahay”. Qiyaas ahaan waxa gobolka Maroodi-jeex
yeelanayaa iskuulada ilaa 30.5% (350 dugsi oo ka mida 1145 dugsi ee dalka).
Sidoo kale magaalada Hargeisa oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan bulshada
Somaliland ayaa leh 644 malcaamadood oo ay dhigtaan arday ka badan 100,000 oo
arday. Celcelis ahaan dugsiyada hoose dhexe ee dawladda, waxaa macalin waliba u
dhigaa illaa 25 arday, halka malcaamadaha ku yaalla magaalada Hargeisa ee lagu
barto quraanka, uu halkii macalin u dhigo celcelis ahaan 35 arday.
Xarunta CPA oo kaashanaysa koox
arday ah oo si tabaruca u shaqaynaya ayaa bishii February 2019, waxay samaysay
cilmi-baadhis kooban, si ay ugu kuurgasho xaaladda waxbarashada ee Somaliland,
gaar ahaan magaalada Hargeisa oo ay ku nool yihiin in ku dhow 33% bulshada
Somaliland. Daraasaddan waxaa lagu waraystay illaa 48 qoys oo ku kala nool 8-da
xaafadood ee magaalada Hargeisa, iyo 20 dugsi oo isugu jira kuwo dawli ah iyo
kuwo gaar loo leeyahay.
Cilmi-baadhistani waxay eegaysay
kharashka ay qoysasku ku bixiyaan waxbarashada; waxaana soo baxday in qoyska ku
nool magaalada Hargeisa ee ay waxbarasho u aadaan illaa 3 caruur ahi inuu waxbarashada
ku bixiyo lacag celcelis ahaan gaadhaysa $109. Waxaana lacagtani isugu jirtaa
celcelis ahaan $65 oo ku baxaysa khidmadda ardayga laga qaado bishii iyo $44 oo
ku baxaysa Balcadda (School Dress) ardayga, gaadiidka uu dugsiga u raaco,
buugta manhajka ee ardaygu ay tahay inuu iibsado iwm.
Macalimiinta dugsiyada,
shaqaalaha hoose ee dawladda u shaqeeya iyo ciidamada aan darajooyinka sar-sare
haynin oo ah shaqaalaha ugu badan, ayaa mushaharkoodu ka hooseeyaa $200 bishii.
Marka aad mushaharkooda, barbar-dhigto khidmadda waxbarasho ee laga doonayo
bishii, waxaa kuu soo baxaysa, inay tahay kaaf iyo kala dheeri, in Askariga
hawl-galka ku jira, ama shaqaalaha dawladeed, ay waxbarashada ubadkiisu ugu
kacayso 53% oo ka mida mushaharka uu qaadanayo, iyada oo dhinaca kale laga
doonayo kiradii guryaha, biilkii xaafadda, adeegyadii kala duwanaa iwm. Taasi
waxay horseeday in xubnahani ay awoodi waayaan in ubadkooda ay ka bixiyaan
dugsiyada gaarka ah, taas bedelkeeda ay geeyaan dugsiyada dawladda oo laga
dayrinayo tayadooda waxbarasho, ama qaarkood ay u awoodi waayaanba inay
waxbarasho ka bixiyaan.
Malcaamadaha quraanka laftooda
ayaa ka mida goobaha laga dayrinayo, ee la tilmaamayo in qiimaha ay qaadaan uu
aad u sarreeyo, tusaale ahaan, xogaha ay CPA heshay ayaa tilmaamaya in
malcaamaduhu ay bishii ka qaadaan calaa arday lacag u dhexeysa $5 illaa $35
Dollar. Waxaana celcelis ahaan ay u badan yihiin malcaamaduhu inay qaadaan $10
ardaygii. Magaalada Hargeisa waxaa ka jira illaa 644 malcaamadood, taas oo ay
dhigtaan arday ka badan 100,000 oo arday, hase ahaatee malcaamadaha badankooda
ayaa ku yaalla xaafadaha ay ku nool yihiin dadka ladan, halka xaafadaha
danyartu u badan tahay ama goobaha ay ku nool yihiin barakacayaashu, ay ku
yaryihiin malcaamaduhu.
Cilmi-baadhistan waxaa ka soo
baxday, in barnaamijkii waxbarashada bilaashka ahaa ee xukuumaddu ay ku
dhawaaqday sannadkii 2011, inuu dhaawac weyn u geystay tayadii waxbarashada
dugsiyada dawladda, isaga oo keenay in markii ay meesha ka baxday gunnadii ay macalimiintu
ka heli jireen, lacagaha laga qaado ardayda dhigata dugsiyada dawladda, inay u
wareegeen macalimiintii tayada lahaa, dugsiyada gaarka loo leeyahay. Inkasta oo
xukuumaddii Kulmiye ee xilka wareejisay ay qorshaha waxbarashada bilaashka ah
ee dugsiyada hoose/dhexe ku dhawaaqday, haddana marna may dhicin in loo
qoondeeyo miisaaniyad ku filan oo dabooli karta baahida macalimiinta dugsiyada
dawladda. Sidoo kale waxaa cilmi baadhistan ka soo baxday in weli lacago laga
qaado ardayda dhigata dugsiyada dawladda, inkasta oo dhinaca wasaaradda
Waxbarashada, ay ka qoran tahay, inaan ardayda dhigata dugsiyada dawladda aan
wax lacag ah laga qaadin.
Masuuliyiinta dugsiyada dawladda
ee aan waraysannay ayaa u sheegay CPA inaanu jirin qof ka mida masuuliyiinta
sarsare ee dalka oo ubadkiisu ay dhigtaan dugsigiisa, waxayna sheegeen in
dugsiyada kale ee dawladdu ay la mid yihiin, iyada oo ardayda ay dhaleen
madaxda sare ee dalku ay dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, iyaga oo kala
cararaya tayada waxbarashada dugsiyada dawladda ee hoosaysa.
Arrimaha kale ee ka soo baxay
cilmi-baadhistan waxaa ka mida, in haatan macalimiin lacago badan haysta iyo
ganacsato kala duwani inay maalgashanayaan waxbarashadii gaar ahaan ay
hirgelinayaan dugsiyo gaar loo leeyahay, iyada oo hadafkooda ugu weyni yahay
inay macaash badan ka sameeyaan. Dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxay
kaxaystaan oo shaqaaleeyaan macalimiinta tayada leh ee wax ka dhiga dugsiyada
dawladda, iyaga oo lacago wanaagsan siinaya, sidoo kalena lacago aad u badan ka
qaada ardayda dhigata dugsiyadooda. Arrintani waxay isu bedeshay in dugsiyada
gaarka loo leeyahay inay ku tartamaan xagga qiimaha sarreeya ee ay ardayda ka
qaadayaan, isla markaana ay noqdeen goob ay wax ka bartaan ardayda ka soo
jeedda qoysaska ladan, halka dugsiyadii dawladduna ay u sii xuubsiibanayaan
inay noqdaan goob ay wax ka bartaan ardayda ka soo jeedda qoysaska saboolka ah.
Kala sarrayntan nololeed ee
dhinaca waxbarashada ee ay abuurayaan macalimiinta lacagta haysta iyo
ganacsatada maalgashanaya waxbarashadu, waxay ka hor imanaysaa in la gaadho
bar-tilmaameedyada ku xusan Yoolka 16aad oo ah in helo bulsho kuwada nool
“Nabad iyo Caddaalad”. Maadaama ay imanayso in marka dugsiyada dawladda ay
isugu hadhaan arday danyar ah, ay keeni karayso inay cadow ku noqdaan bulshada
inteeda kale, taasina ay horseedayso ammaan xumo.
Arrimaha kale ee aan ku ogaanay
cilmi-baadhistan waxaa ka mida, inay qoysaska aan waraysannay ay 20% ka mid ahi
noo sheegeen inay xaafadda u joogaan, arday gaadhay xilligii waxbarashada, hase
ahaatee ay u waayeen dhaqaale ay kaga bixiyaan waxbarashada, sidaas awgeedna ay
uga hadheen waxbarashadii. Arrinta nasiib darrada ah ayaa ah, in ardayda ka
hadhay waxbarashadu inay u badan yihiin hablo, maadaama ay qoysaska qaarkood ay
doorbidaan haddii ay dhaqaale helaan inay wiilasha waxbarashada ka bixiyaan
hablahana guriga ku reebaan, si ay xaafadda uga shaqayso.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.