3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2019
Dowladda Soomaaliya oo walwal gaar ah ka qabta shirarka Nairobi

 

Jimco, June 14, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisey shirar maamlaamahn magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynayeyaasha Jubaland, Galmudug, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo siiyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa ku shiraya magaalada Nairobi.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo arrintan ka hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baardheere oo uu safar shaqo ku tagay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibsaneyso shirarka ka socda Nairobi.

“Dowlad ahaan, waa na dhibeysaa inaan aragno maamul goboleedyadii oo ku shiraya ninkii budka noo haystay gurgiisa” ayuu yiri.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waayadii ugu danbeeyayba u muuqday mid sii xumaanaya iyadoo dhowr jeer oo hore Kenya ay ka dhaceen shirar ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay yeesheen Madaxda dowlad gobolleedyada, Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   

 


 













Click here
6/14/2019 12:55 PM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

6/14/2019 12:26 PM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa intii ay maqnaayeen safaro ku tegey dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

6/14/2019 10:43 AM EST
jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Xarunta Daraasaadka ee Center for Policy Analysis ayaa cilmi baadhis ka samaysay tayada dugsiyada waxbarashadda Somaliland iyo kala saraynta nololeed ee ay keenayso waxbarashada la ganacsiyeeyey.

6/14/2019 10:39 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Waxaa dib hawada ugu soo laabtay Internetkii dalka Itoobiya oo ilaa shalay hawada ka naqnaa, waxaana xanibnaa sidoo kale farriimaha gaagaaban ee telefanka laga isticmaalo.

6/14/2019 7:30 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

6/14/2019 3:46 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)- Kaddib kulamo is daba-joog ah oo ilaa xalay ka soconayay magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in leysu furo guud ahaanba magaalada kaddib markii la soo afjaray xiisadii ka dhalatay dilkii taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaanshaale Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

6/14/2019 1:30 AM EST
Jimco, June, 14, 2019(HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay Shirka sanadlaha ee Bangiga Aduunka ee ka dhacay dalka Equitorial Guinea ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.