3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2019
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Akinwumi Adesina

 

Jimco, June, 14, 2019(HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay Shirka sanadlaha ee Bangiga Aduunka ee ka dhacay dalka Equitorial Guinea ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadleen muhiimmadda ay leedahay in Baanku uu kordhiyo taageerada Maaliyadeed ee uu siiyo Soomaaliya si ay wax uga qabato arrimaha soo kabashada iyo is-dhexgalka gobolka.

Wasiir Beyle ayaa Madaxweynaha Bangiga Aduunka uga warbixiyay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay hanaanka Maaliyadda,isaga oo ugu baqay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

“Markii aan la kulmay madaxweynaha Bankiga, waxaan warbixin kooban ka siiyay horumarka Soomaaliya ee dib-u- habeynta, waxaana ku boorriyay inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee aan ugu jirno innaan ku gaarno deyn cafiska ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu ku faraxsanahay in madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, uu aqoonsaday dadaalka dib-u-habeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Bangiga uu sii wadi doono taageeradiisa Soomaaliya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 













Click here
6/14/2019 12:55 PM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

6/14/2019 12:26 PM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa intii ay maqnaayeen safaro ku tegey dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

6/14/2019 10:43 AM EST
jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Xarunta Daraasaadka ee Center for Policy Analysis ayaa cilmi baadhis ka samaysay tayada dugsiyada waxbarashadda Somaliland iyo kala saraynta nololeed ee ay keenayso waxbarashada la ganacsiyeeyey.

6/14/2019 10:39 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Waxaa dib hawada ugu soo laabtay Internetkii dalka Itoobiya oo ilaa shalay hawada ka naqnaa, waxaana xanibnaa sidoo kale farriimaha gaagaaban ee telefanka laga isticmaalo.

6/14/2019 8:40 AM EST
Jimco, June 14, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisey shirar maamlaamahn magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

6/14/2019 7:30 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

6/14/2019 3:46 AM EST
Jimco, June, 14, 2019 (HOL)- Kaddib kulamo is daba-joog ah oo ilaa xalay ka soconayay magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in leysu furo guud ahaanba magaalada kaddib markii la soo afjaray xiisadii ka dhalatay dilkii taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaanshaale Dhexe Maxamed Macoow Xalane.