4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
Cumar Faaruuq Cusmaan oo loo doortay hoggaanka ugu sarreeya ee Suxufiyiinta Adduunka


Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Shirweynaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa galabta waxaa uu si aqlabayida ah ugu doortay hoggaanka ugu sarreeya ururka suxufiyiinta adduunka Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Cumar Faaruuq ayaa helay 192 cod oo ka mid ah 216dii cod ee ay dhiibteen argada ka kala timid 187 dal oo caalamka dhan ayadoo uu ka guuleystay musharrixiin ka kala socday 17 dal.

Cumar Faaruuq oo ahaa musharraxa qaaradda Afrika oo isla markaana tageero ka helaayay ergada ka kala socotay dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa sidoo kale waxaa taageero xooggan waxaa sinayay ergada ks socoto dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Spain, Ruushka, Koofurta Afrika, India iyo Brazil ayaga oo u arka Cumar Faaruuq in uu yahay qof wax badan ka qaban kara howlaha ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ horyaala.

Guusha Cumar Faaruuq oo muujineyso taageerada iyo hiilada suxufiyiinta adduunka ay u hayaan ururka NUSOJ iyo dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa haddana tilmaameysa in saameynta ay Soomaaliya ku yeelanayso saxaafada adduunka ay aad u xoogheysaneyso.

Shirweynaha IFJ ayaa sidoo kale waxaa uu maanta guddoomiye u doortay Younes Mjahed oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Morocco. Younes ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee qaarada Afrika ka socda ee loo doortay guddoomiyenimada ururka suxufiyiinta adduunka tan iyo markii IFJ la aas-aasay ee sanadkii 1926.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]