4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
Muqdisho: Guri uu sarkaal boolis ah muddo 28 sanno ah heystay oo dib loogu celiyay muwaadinkii lahaa

Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Muwaadin Soomaali ah ayaa si dareen leh maanta ula wareegay furayaasha guri muddo 28 sanno si lagu sheegay xog uu ku degganaa sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo adduunba sugaysa dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

Wuxuu inta ku daray duqa caasimadda Muqdisho, in la xiray sarkaalkii muddada heystay guriga, lana horkeenayo Maxkamad, oo la marsiin doono hannaanka sharci ee uu mudnaa.

"Cidna si sharci darro ah uma haysan karto muwaadin kale hantidiis, Maamulkan tan iyo markii aan nimid waxaan ku guuleysannay soo celinta hanti ay lahaayeen muwaadiniin, kuwaas oo dadkii haystay ay si mutadawicnimo ah usoo wareejiyeen, balse arrinta maanta waa ay ka duwan tahay oo maxkamad iyo xabsi ayeey gaartay." ayuu yiri Eng.Yarisow.

Muwaadinka maanta guriga lagu wareejiyay ,Cali Maxamed Baare ayaa isaga oo qashuxsan ilmeynayana wuxuu u mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in talaabada maanta guriga loogu wareejiyay ay muujinayso sida ay cadaaladda u shaqeynayso.

Ma aha markii u horreysay oo maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleystay muwaadiniin muddo dheer guryo laga heystay oo dib loogu celiyay, arrintaa oo aad loogu ammaan maamulka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]