4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo dhiirrigalin oo lala galay Qatar


Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali  Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalmaha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay  ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.

Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta  iyo ilaalinta maal-gashi  iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]