3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo gaaray heshiis 42 Million oo Yuuro


Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliye,Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay.

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u  dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka.

"Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso. "

''Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.'' Ayuu yiri  Wasiir Jamal Maxamed Xasan.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin  taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed.
Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’

"Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro.  Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF.  Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca." ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray heshiiska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
6/13/2019 3:00 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Shirweynaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa galabta waxaa uu si aqlabayida ah ugu doortay hoigaanka ugu sareeya ururka suxufiyiinta adduunka Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

6/13/2019 1:30 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Muwaadin Soomaali ah ayaa si dareen leh maanta ula wareegay furayaasha guri muddo 28 sanno si lagu sheegay xog uu ku degganaa sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

6/13/2019 1:12 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino lagaga dhagaystay wasiirka shaqo galinta Iyo Qoyska iyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, isla markaana golaha wasiirada usoo gudbiyey siyaasadihii lagu maamulayey wasaaradoodda.

6/13/2019 12:56 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadii uu ku geeriyooday taliyihii Boosliika gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

6/13/2019 12:51 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

6/13/2019 12:19 PM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

6/13/2019 4:33 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidammada ammaanka ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, arrinta oo lagu sheegay in kor loogu qaaddayo awoodda Ciidammada.

6/13/2019 4:26 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor-diiq qaran ah oo loo sameynaayo dadkii lagu xasuuqay tuulada Sobane Da ee bartamaha dalkaasi.

6/13/2019 4:20 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Saddex boqol oo arday oo kuliyado kala duwan bartay ayaa ka qalin jabisay jaamacadda Green Hope , kuwaas oo ah dufcadii toddobaad ee ka qalin jabiya jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho.

6/13/2019 4:01 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ( Ethiopian Airlines)

6/13/2019 1:22 AM EST
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-Tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.