4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2019
AMISOM oo qalab lagu keydiya Cuntada ugu deeqday Ciidammada ammaanka Soomaaliya

Khamiis, June, 13, 2019 (HOL)- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidammada ammaanka ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, arrinta oo lagu sheegay in kor loogu qaaddayo awoodda Ciidammada.

Qalabkan oo loogu tala galay in lagu xaddido heer-kulka raashiinka ay Ciidammadu isticmaalaan xilliyada ay howl-gallada ku jiraan ayaa waxa uu ka kooban yahay Lix Koonteenar , iyadoo 4 ka mid ihi loo qorsheeyay militariga halka Labada kalena ay lagu wareejiyay booliska .

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM deeqdan , wuxuuna sheegay in ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen Ciidammadu in laga caawiyo keydinta Cuntada xilliyada lagu jiro howlgallada.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Cabdi Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa isna wuxuu sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee howlgalka Midowga Afrika ay caawiyaan balse ay sii wadi doonaan.

Ugu dambeyn, wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira ayaa Ciidanka xoogga  ku ammaanay doorkii ay ku lahaayeen xoreynta degaanka Bariirre ee gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dhiirrigelinta iyo taageeridda Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]