4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay kormeer ku sameeyay xarumo ciidan


Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-Tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.

Kheyre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo maraya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo Asluubta ku bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]