7/21/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Madaxweyne Waare iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo wadajir shir jaraa’id u qabtay


 

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabnimadii maanta gaaray magaalada Beledweyne iyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa goor dhaw [Caawa] si wada jir ah warbaahinta ula hadlay iyaga oo ku sugan xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay geeridii maalintii shalay ku timid taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macoow Xalane oo uu ku amaanay in uu ahaa shaqsi howlkar ah muhiim –na u ahaa nabad-galyada  deegaannada Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in dadkii falkaasi geys-tay qaarkood sida uu hadalka u dhigay la soo xiray halka dhinaca kalana baaritaan lagu hayo haddii ay jiraan dad kale oo ku lug lahaa falka uu taliyuhu ku dhintay.

Madaxweyne Waare ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay guddi dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u saaray barista arintan, sidoo kalana dhinacooda soo magacaabi doonaan guddi heer Wasiirro oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo qeyb ka noqda baarista kiiska u ku dhintay taliye Macoow.

Mar uu soo hadal qaaday dibadbax-yadii maanta ka dhacay magaalada ayuu sheegay in dadku xor u yihiin in ay muujiyaan afgaartooda, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyo xasiloonida, isaga oo balan-qaaday in wax walba ku dhamaan doonaan si wanaagsan..

Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo dhinac fadhiyay madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kaddib sheegay in durbaba la bilaabay baarista shaqaaqadii uu ku dhintay taliye Macoow, islamarkaana uu ka filayo in ay  ka soo baxdo natiijo wanaagsan Cadaalladana la waafajin doono.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa caawa ku hooyanaya magaalada Beledweyne oo maanta ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata, hasse ahaatee xaalada guud ahaa magaalada ayaa caawo ah mid deggan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 










Click here
6/12/2019 3:57 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xerada Tababarka Jen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay argagaxisada uga xoraynayaan deegaannada ay uga dhuumaalaysanayaan dalka.

6/12/2019 12:50 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) - Khilaaf ayaa ka taagan sida loo buuxinayo booskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cali Aaareeyo oo ka tirsana golaha Wakiiladda Somaliland.

6/12/2019 12:24 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan.

6/12/2019 12:21 PM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa galabnimadii maanta ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/12/2019 6:00 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Taliyaha Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed, Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa sheegay in maxkamadda ciidammada qalabka sida lagu wareejiyay baaritaan uu guddi uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ay ka sameeyeen iska hor imaad billowgii bishan ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

6/12/2019 3:41 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada amniga ee lagu taageerayo xasillinta Soomaaliya iyo dagaalka al-Shabaab.

6/12/2019 3:16 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Ilmo shan jir ah oo qaba cudurka Ebola ayaa laga helay gudaha dalka Uganda, sida ay xaqiijisay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.

6/12/2019 2:59 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqashadii u horreysay ku tagay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, halkaa oo labadii toddobaad ee u dambeysay ay maamullayeen ururka al-Shabaab.

6/12/2019 2:05 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) –Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay iska horimaad shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kaas oo uu ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.

6/12/2019 1:44 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)–Waxaa soconaya baaritaan la xiriira habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan.

6/12/2019 1:30 AM EST
Arbaco, June, 12, 2019 (HOL) – Waxaa isa soo taranaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Hiiraan, gaar ahaan guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo wali ku adkeysanaya in uu yahay gudoomiyaha gobolka kaddib markii wareegto ka soo baxday madaxweynaha Hirshabeelle xilkii looga qaaday.