4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2019
Madaxweyne Waare oo soo gaaray magaalada Beledweyne

 

Arbaco, June, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa galabnimadii maanta ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka gobolka. 

Ka hor inta uusan madaxweynaha soo degin waxaa qeybo ka mid ah magaalada ka dhacay dibad-baxyo looga soo horjeedo booqashada uu ku imanayo magaalada, waxaana la arkayay dadka oo gubaya taayaro meelaha qaarna jidadka ku gooyay dhag-xaan.

Hasse ahaateen madaxweynaha ayaa waxaa ka soo galbiyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo militariga Soomaaliya, oo ay is hortaag ku sameeyeen dibadbaxayaal careysan oo ku sugnaa xaafadda Xaawo Taako, hasse ahaatee madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii danbe gudaha u galay magaalada.

Lama oga socdaalka madaxweynaha waxa ay ka badali doonto xasarada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar –Daba-Geed oo diiday in uu xilka wareejiyo.

Wixii warar ah ee hadba ka soo kordha wararka magaalada Beledweyne waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]