4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya oo sheegay inuu socdo qorshe sannadkan Al-Shabaab looga saarayo dalka

Talaado, June , 11, 2019 (HOL)-  Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), ayaa sheegay ciidammada xoogga Soomaaliya inay wadaan dedaallo lagu doonayo sidii al-Shabaab looga saari lahaa dalka.

Wuxuu soo bandhigay rajo ay ciidammo dowladda ku gaari karaan dhammaan deegaannada al-Shabaab ee ku suganyihiin, isagoo marka sheegay dabayaaqada sannadkan in lagu gaari doono deegaannada.

"Ciidammada xoogga awood badan ayay leeyihiin, waxaana dooneynaa al-Shabaab inta sannadkan ah in dalka looga saaro." ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Indhaqarshe.

Waxaa kalo uu sheegay dowladda inay kaga guuleysatay al-Shabaab dagaalka ay kula jirto, isagoo marka tusaalo usoo qaatay in dagaalyahanno iyo saraakiil tiradii ugu badneyd ah ay si joogta ah isugu soo dhiibayaan dowladda.

Waxa uu sheegay illaa 30 xubnood oo al-Shabaab ka tirsan in ciidammada dowladda ay gacanta ku hayaan, kuwaasi oo wali aanan loo gudbin hey’addaha baarista ee dowladda.

Dhinaca kale, wuxuu uga digay warbaahinta wararka ay faafinayaan, isagoo marka tilmaamay in sharciga lala tiigsan doono ciddii warar been ah ka baahisa hay'adaha amniga.

Hadalka uu warbaahinta siiyay taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku soo aaddaya xilli dowladda lagu dhaliilayo inay ka gaabisay dagaalka al-Shabaab , balse taliska ciidanka xoogga wuxuu muujiyay inay wadaan dedaal lagu xoreynayo dalka, sida uu taliyaha ciidanka xoogga sheegay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]