4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2019
Qorshaha amniga caasimadda Muqdisho oo dib u eegis lagu sameynayo

Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Shirka amniga caasimadda Muqdisho oo uu xalay guddoomiyay , Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xaalada guud ee caasimadda.

Waxaa shirka ka qeybgalay mas’uuliyiinta dhinaca amniga iyo saraakiisha ciidammada, iyadoo lagu fallan-qeeyay arrimaha ammaanka iyo tallaabooyinkii la qaaday.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir , Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha sugida amniga Caasimadda, isagoo inta ku daray n kormeer iyo dabal joogta ah oo muddo socday ay ku qiimeeyeen xaaladda amniga Muqdisho.

Shirka amniga ayaa ku soo aadday xilli ciidammada booliska ee gobolka ay kordhiyeen howlgalada lagu sugayo amniga, waxaana la xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda taa oo dhalisay in cabasho laga muujiyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]