4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2019
Imtixaanka Fasalka 10aad oo maanta si guud degaanka uga billaabmay

 

Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa maanta waxaa ka billaabmay Imtixaanka heer qaran ee Fasalka 10aad, Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday gaadhaysa 22,957 arday isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

Haddaba Imtixaanka oo si guud dalka uga bilowday ayaa goobaha Imtixaanku ka socday waxaa goob joog ahaa Booliska degaanka, mas'uuliyiinta Xafiiska Waxbarashada DDS iyo Kormeerayaal ka socday heer Fadaraal.

Imtixaanka Fasalka 10aad ayaa imtixaanadii sannadihii hore kaga duwan iyadoo aad loo sugay tayada Imtixaanka isla markaana dawladdu dadaal badan ka samaysay sidii aysan u dhici lahayn wax qish ah.

 

Horey waxaa u dhici jirtay in xilliga Imtixaanku socdo fasalada lasoo galin jiray qish ka socda macallimiinta oo ardayda dhammaan loo yeedhin jiray jawaabaha dawladduna aysan dan ka gali jirin arrinkaas, sidoo kalena ardayga lacago lagaga cuni jiray qishka. balse intii ay hadda timid xukuumaddan cusub waxay dadaal badan u gashay in wax qish ahba uusan jiraynin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]