4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2019
Madaxweyne Xaaf : Muddo hal sano ah gureyga Muqdisho ma tagin Cadaadana diyaarad ayaan ku dul maraa

 

Isniin, June, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa lagu hayo sida uu hadalka u dhigay cadaadis dhicyo badan uga imanaya.

Cadaadiska lagu hayo ayuu sheegay in uu sababay xitaa muddo Hal sano ah uu tagi waayo Hoygiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho isaga oo intaa ku daray in magaalada Cadaado oo muddo dheer xarun u aheyd maamulka Galmudug uu diyaar ku dul maro oo kaliya.

“Cadaadiska na saaray waxaa uu sababay in muddo hal sano   aan tagi waayo gurigeyga  Xamar, Cadaadana diyaarad baan ku dul maraa, Laakiin intaas  oo dhan dagaal baan ka xigaa waana gaari doonaa Insha Allaah” ayuu yiri  madaxweyne Xaaf.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda hormar ay sameyso Galmudug, isaga oo tusaale u soo qaatay halkii ay ku danbeeyeen mashaariic dhowr ah oo madaxda ugu sareysa dalka dhagax -dhigeen deegaannada Galmudug.

“Dadka naga soo horjeeda wanaagGeena ma rabaan, halkaan maalintii  aynu imaaneynay oo ugu horeysay meelo badan ayaan dhagax dhignay, wax  soo laabto ma aragteen, mana arki  doontaan, ''ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale Xaaf ayaa meesha ka saaray in uu jiro khilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo madaxda Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn looga hadal hayay baraha bulshada.

''Wararka baraha bulshada leysla dhaxmarayo ee ah in uu khilaaf na soo dhax-galay Annaga iyo madaxda Ahlu Sunna ee ka tirsan Galmudug waxba ma jiraan'' ayuu yiri Xaaf.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in dhamaan caqabadaha la soo darsay ee lagu hayo maamulkiisa si dhib yar uga gudbi doonaan, isaga oo yiri '' Ma jirto cid nagu gumeysan karta deegaannada Galmudug''

Bilhii ugu danbeeyayba waxaa jiray khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug iyo dowladda dhexe ee federaalka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]