4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2019
Guddoomiyihii gobolka Mudug oo ka hor yimid xil ka qaadis lagu sameeyay

 

Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaaday gudodomiyaha Gobolka Mudug, isaga oo dhinaca kale magacaabay guddoomiye cusub.

Cabdirashiid Xaashi Cartan oo ah guddoomiyaha xilka laga qaaday oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa aan loo marin dariiq sharci, laakiin uu ka arkay oo kaliya wareegtada baraha bulshada oo isaga oo aan lagu soo war-galin.

‘’Markii aan la tashi la sameeyay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan isla garannay in xiligan aysan jiri karin wax xil ka qaadis ah’’ ayuu yiri Cabdirashiid Cartan.

Waxaa kaloo uu ka hadlay xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in Galmudug aysan xiriirka u jari karin dowladda Federaalka maadaama ay tahay xubin ka mid ah dowladda.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah ka soo baxay oo ka soo baxay dhinaca madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xil ka qaadistan sameeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]