4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Xaalada degaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Sool iyo ciidamo soo gaarey

 

Talaado, July, 09, 2019 (HOL)-Xaalada degaano labadii maalmood ee la soo dhaafay laba beelood ku dhexmarayey ayaa istaagey kadib markii ciidamo hawsha wax ka qabtaya ay yimaadeen.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu geystey qasaare aad u balaadhan oo naf iyo moodba leh, waxaana la xaqiijinayaa in 16 ay dhinteen halka dhaawacuna uu labanlaab gaadhayo walow aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay.

Qaar ka mid ah dadka degaankaasi ku sugan ee aan labada dhinac ahayn ayaa waxay sheegayaan in qasaaraha ugu badan uu soo gaadhey dadka reer guuraaga ah oo qaarkood ay xoolohoodii iskaga dhaqaaqeen,

"Tuulada Darar-weyne ayaa ah meesha ugu xun ee dagaalku saameeyey iyadoo aan maanta wax shacab ah oo la sheegaa aanay joogin marka laga reebo qof socon waayey" Muxiyadiin Cabdilaahi oo dadka reer guuraga ka mid ah ayaa HOL u sheegay isagoo intaas ku daray in isu ciidansiga labada beelood uu socdo saacad kastana uu amaanku faraha ka bixi karo.
Waxa ay sidoo kale dadka degaankaas joogaa ay sheegayaan in ciidan yimi balse maaha colaadan mid ay ciidan xakamayn karaan maadaama ay labadan beelood degaan wadaag dheer leeyihiin.

Ma muuqato saansaan  deganaaneed oo layku halayn karo mana muuqato dadaal beelaha kale ee  labada beelood degaan wadaagta la ah ay hawsha ku soo dhex gelayaan  maadaama ay colaadihii hore iyagu ahaan jireen kuwa talaabada u horeeya  qaada.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool