4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Bulshada Ku Nool Magaalada Gaalkacyo


Talaado, July, 09, 2019 (HO)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada kula kulmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Kulanka oo ay ka qayb galeen odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalliyarda Gaalkacyo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare, wasiir ku-xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahad celiyay soo dhaweyntii diirraneyd ee magaalada loogu sameeyay isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa reer Gaalkacyo kala hadlay qaadashada dowrkooda ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug si looga shaqeeyo horumarka bulshada iyo soo celinta sharafta iyo karaamadda ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Kulanka ayaa kamid ah kulamada wadatashiga ah ee bulshada Galmudug uu Ra’iisul wasaaruhu kala yeelanayay taabba gelinta Galmudug dhammaystiran loo dhanyahay, wada shaqeyn buuxdana la leh dowladda federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]