4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo soo gaaray magaalada Beledweyne

 

Talaado, July, 09, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay in madaama uu fasax ku jiro baarlamaanka uu go'aansaday sida uu hadalka u dhigay in uu dib ugu soo laabto gobolka gaar ahaan magaalada Beledweynem isaga oo dhinaca kalana soo hadal qaaday khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uu qeyb ka noqon doono xal u raadinta khilaafka isaga oo rajo badan ka muujiyay in ugu danbeyntii xal laga gaari doono khilaafka taagan.

Horay waxaa magaalada ugu sugnaa ku dhawaad bil  madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, sidoo kale waxaa magaalada ku sugan xubno ka tirsan xildhibaannada dowladda federaalka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Wali waxaa muuqata in xal kama danbeys ah aan laga gaarin khilaafka, iyadoo dhinaca kale Yuusuf Dabageed uu ku adkeysanayo in uu yahay guddoomiyaha sharciga ee gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]