4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Dareeska Milateriga oo laga mamnuucay caasimadda Muqdisho

Talaado, July, 09, 2019 (HOL) -  Guddiga amniga ee gobolka Banaadir ayaa ka mamnuucay magaalada Muqdisho askarta ku labisan dareeska milateriga,iyadoo kullan ay yeesheen guddiga ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Eng Cabdiraxmaan Cumar (Yariisow) iyo Xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Eng Yariisow oo kullanka guddiga amniga ka warbixiyay ayaa  mas’uuliyiinta dowladda  ka dalbaday inay joojiyaan ilaaladooda oo mararka qaar lagu arko gudaha magalada.

Waxaa kalo uu digniin u diray milkiilayaasha gaadiidka sida bajaajta iyo gaadiiska kale,isaga oo sheegay inay gaadiidkooda diiwaangeliyaan,waxaa uu inta ku daray in dadka iska iibiya gaadiidkooda u diiwaangashan dhibaatadii lagu geysta ay mas’uuliydooda qaadi doonaan.

Shirka guddiga amniga ee gobolka Banaadir ayaa ku soo aadday xilli ay falal amniga wax u dhimaya ay ka dhaceen magaalada Muqdisho maalintii shalay, waxaana ciidammada amniga ay ka hortageen gaari qarax laga soo buuxiyay iyo koox hubeysan oo weerar ka geystay bar kontorool.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]