4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Muqdisho: Gaari ku qarxay isgoyska Digfeer

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-  Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay bar koontarool oo ku taal meel ku dhow isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Gaarigan ayaa la sheegay inta uusan qarxin ka hor inay dadka deegaanka oo ka shakiyay inay  ku soo wargeliyeen ciidammada amniga , waxaana markiiba goobta gaaray ciidammada booliska ee gobolka Banaadir oo marka ku amray labo ruux oo saarnaa inay soo deggaan , iyaga oo marka ku wargeliyay  dadkii ka agdhowaa goobta inay ka fogaadaan.

"Ciidammada oo markiiba goobta soo gaaray ayaa ku amray labo qof gaariga saarneyd inay soo deggaan, way diiddeen , wax yar kaddibna wuu qarxay." ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta.

Wali si rasmi ah uma cadda halka uu ahaa bartilmaameedka gaariga qarxay, sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, wallow sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ay muujiyeen dhismayaal dad shacab ah ay lahaayeen oo burbur uu gaarsiiyay qaraxa.

Ma jirto warbixin rasmi ah oo ka soo baxday hay'adaha ammaanka loogana hadlay qaraxa ay ka hortageen ciidammada amniga, iyadoo aysan jirin wali cid sheegatay inay mas'uul ka tahay gaariga qaraxa laga soo buuxiyay.
Amniga caasimadda Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, waxaana ciidammada amniga la dhigay dhammaan isgoysyada ku yaalla Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]