4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Weerar dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay dalka Afghanistan

Axad, July, 07, (HOL)– Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 179 kalana waa ay ku dhaawacmeen ,kaddib qarax gaari oo ka dhacay gobolka Ghazni ee dalka Afghanistan, sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta.

Xubin ka tirsan gobollada deegaanka ee gobolka, Xasan Raza Yousafi ayaa u sheegay warbaahinta in weerar is miidaamin ahaa in Axadda maanta ah lagu beegsaday dhisamaha hay'adda sirdoonka ee xarunta gobolkaa, wuxuu inta ku daray in dhammaan xubnaha la dilay ay ka tirsanaayeen hay'adaha sirdoonka, wallow uu qiray in bukaanada haatan xaaladooda lala tacaalayo ay rayid u badan yihiin.

Weerarka waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Taliban,iyadoo afhayeen u hadlayay oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahed uu sheegay tobannaan ka tirsan hay'adda sirdoonka inay ku dhinteen weerarka.

Wuxuu ku soo aadday weerarka xilli shir laba maalmood ah oo u dhaxeeya dowladda Afghanistan iyo kooxda Talibaan uu ka frmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]