4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Dowladda oo ku amartay hay'adaha caalamiga ah inay adeegsadaan magaca rasmiga ah ee garoonka diyaaradaha Muqdisho

Axad, July, 07, (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhammaan hay'adaha caalamiga ah ee deggan magaalada Muqdisho inay adeegsadaan magaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraal loo diray xafiisyada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha , sharikadaha duullimaadka iyo dhamaan hay’adaha kale oo warbaahinta gudaha ay aragtay ayaa lagu amray in la adeegsado magaca uu sito garoonka diyaaradaha ee ah Aadan Cadde, arrintaa oo la sheegay in lagu maamusayo madaxweynihii u horreeyay ee dalka ,AUN Aadan Cabdulle Cismaan.

Hay'adaha ayaa inta badan u adeegsada garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, taas oo ay hadda mamnuucday dowladda Soomaaliya,iyadoo warqada wargelinta ee hay'adaha loo diray ay ka soo baxday xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.

Waxaa si deg deg ah lagu wargeliyay dhammaan hay'adaha in sida ugu dhaqsiyaha badan u beddelaan magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo wali ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]