Hiiraan Online
4/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
RW Khayre: Waa lagama maarman midnimada Galmudug
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha oo maanta salaaddii Jimcaha kula dukaday masjidka jaamacatu raqay boqollaal qof oo reer Dhuusamareeb ah ayaa hadal uu ka jeediyay ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga saari lahaa.
Dhanka kale,Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]