4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay go'aanka ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Gini

Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Siyaasiga hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaleeceeyay xukuumadda Soomaaliya go'aanka ay xiriirka ugu jartay dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Gini .

Wuxuu sheegay inaysan horey u jirin xiriir ay lahaayeen labada dal, wuxuuna ku tilmaamay tallaabada ay hadda qaadday xukuumadda Soomaaliya inuu yahay mid uu ka muuqdo 'fudeed iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed'.

"Go’aanka Xukuumadda Federaalka ee xiriirka ugu goysay dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudeed iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed, dowlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin." ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

"Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeydka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga billaabo...Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wada-hadalka xiranto." ayuu raaciyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo inta badan dowladda Soomaaliya ku dhaliila go'aamadeeda ayaa hadda hadalkiisan wuxuu ku soo aadday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay dalka Gini inuu wax u dhimayo midnimada dalka, kaddib markii dalkaas uu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliland oo maamulkiisa uu doonayo inuu madax bannaani ka helo jamhuuriyadda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]