4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
Qaramada Midoobey oo ka hadashay duqeyntii lagu laayay muhaajiriinta ee dalka Libiya

 

Jimco, July, 05, 2019 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaalada xarun ay ku jireen dad tahriibayaal ah oo la duqeeyay dhowaan ay rasaas ku fureen dadkii xeradaasi ku jiray oo isku dayay in ay ka baxsadaan duqeynta ku soctay halkii ay ku xirnaayeen.

Inta la xaqiijinayo ilaa Lixdan ka mid ah dadkan ayaa geeriyooday halka 77 kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday magaalada Triopoli ee dalka Libya.

Balse ilaalada xarunta ayaa iska fogeeyay dhankooda islamarkaana beeniyay in ay rasaas ku fureen dadka tahriibayaasha ah ee doonayay in ay lafahooda la baxsadaan.

Xafiiska OCHA ay ku leedahay dalka Libya ayaa sheegay in ay jiraan warbixino sheegaya in qaar ka mid ah qaxootigii iyo tahriibayaashii ku jirey xaruntaas ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ilaalada.

Dadka ku dhintey duqeytan oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xoogaga general Xaftar waxaa ka mid ahaa ilaa lix carruur ah.

Guud ahaan marka la eego tahriibayaasha ku jira xiryaha dalka Libiya ayaal lagu qiyaasaa in ay gaarayaan ilaa Lix Kun oo ruux, balse Qaramada Midoobey ayaa hore uga digtey in dalka Libya uusan ahayn wadan xasiloon waxayna dalabtay in la sii daayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]