Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Hay’addaha Amaanka
dalka Kenya aya lagu eedeeyaa in ay adeegsadaan awood xad-dhaaf ah oo sharciga
ka baxsan marka ay ku jiraan howlgaladooda.
Warbixin cusub oo la dabaabacay Arbacadii shaley
ayaa hay’ada xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ay sheegtay in booliisku
uu ku lug leeyahay dilalka ugu yaraan 21 qof, laga soo bilaabo bishii August ee
Sanadkii hore ee 2018, dilalkaas oo ay ku jiran 2 qof oo ka soo jeeda xaafadaha
Isku raranta ah.
Hay’addu waxaa ay sheegtay in dadka la dilay uu
ka mid yahay Tagsiile u xamaalan jiray laba Carruur ah,hayeeshee Booliska Kenya
ay u arkeen Nin ay siweyn u doon doonayeen oo ku lug leh carqalado badan oo
dhacay.
Cilmi bare ka tirsan Hay’adda Human Rights
Watch ayaa sheegay in dilalka Booliska Kenya ay yihiin kuwo isku eg oo si isku
mid ah u dhaca.
“Booliska ayaa Baraha
Bulshada soo dhigaya sawirka qof tuug ah oo ay u digayaan,asbuuc ama laba
isbuuc kadib waxaa la helayaa oqfkii oo meyd ah,Guryaha ayay dadka ku
weerarayaan iyo wadooyinka waana ay xirayaan qofka iyaga oo maalin cad dadka
hortooda ku tooganaya ayuu yiri Cilmi bare ka tirsan Hay’adda Human
Rights Watch.
Waalidiinta ku nool xaafadaha Isku raranta ee
Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay cabsi soo wajahday,
iyaga oo ka baqdin qaba in Booliska Kenya ay sibareer ah u waxyeeleeyaan
carruurtooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]