3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Mid ka mid ah Salaadiinta Dhaqanka oo lagu dilay magaalada Kismaayo

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho maqribnimadii caawa loogu geystay magaalada Kismaayo Nabaddoon lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdirashiid Muuse Durre.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Suldaanka uu rasaas u furay qof hubeysan oo aan la garaneynin xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaada Maqrib.

Dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaasta lagu furay ayuu markii danbe ugu geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada kaddib markii dhakhaatiirtu  u caalwaayeen wax ka qabashada xaaladiisa. 

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Jubbada Hoose iyo maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in magaalada Kismaayo waayadii ugu danbeeyayba aheyd goobaha ay ka dhacaan dilalka lagula kaco odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, iyadoo dhinaca kale dilkan caawa uu imanayo xili Jubbaland ay isku diyaarineyso doorasho xasaasi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]      

 

 













Click here
7/31/2019 1:22 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Andrew Braian Irlam oo ah muwaaadin u dhashay dalka Britain ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada gobolka Banaadir.

7/31/2019 12:54 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadka boqolka maalin ee uu xilka hayay wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa.

7/31/2019 10:31 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu'addinka) ayaa sheegay inay eryeen afartii dhallinyaro ah ee warbaahinta ka hadlay, kuwaaas oo uu ku eedeeyey inay ka baxeen anshixii iyo xeerkii u yaallay barnaamijka shaqo qaran oo ay isku dayeen inay ceebeeyaan.

7/31/2019 7:07 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Qarax ka dhashay miino lagu aasay waddada jiinkeeda ayaa dalka Afghanistan maanta ku dilay ugu yaraan 35 qof oo ku safrayey bas, islamarkaana dhaawacay 27 kale, sida ay sheegeen saraakiil.

7/31/2019 4:45 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo shalay kusoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo madaxa fulinta Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

7/31/2019 3:41 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga baaqday safar uu qorshuhu ahaa in uu ku tago magaalada Kismaayo toddobaadkan.

7/31/2019 1:36 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada Ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

7/31/2019 1:25 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xuukumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Guddiga Heer Qaran ee loo xilsaaray la soco-shada Xaaladda dhaawacyadii dhawaan loo qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa faah faahin ka bixisay xaalada caafimaad ee Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

7/31/2019 1:14 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Guddiga guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhuusa-Mareeb ayaa ka digay in la siyaasadeeyo shirka loogana baahan yahay in wixii tabasho ah oo ay qabaan beelaha ay ka dhax-sheegaan shirka.