4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Muwaadin u dhashay dalka Britain oo maanta ka soo hormuuqday maxkamada gobolka Banaadir

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Andrew Braian Irlam oo ah muwaaadin u dhashay dalka Britain ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada gobolka  Banaadir.

Andrew ayaa waxaa soo xiray bishii Janaayo ee  sanadkan 2019  hay'addaha Amaanka dowladda Soomaaliya xili uu doonayay in uu ka dhoofo garoonka  diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyaga oo ku eedeeyay uu doonayay in garoonka uu ka dhoofiyo walxaha qarxa.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa kusoo eedeeyay Andrew Braian Irlam in uu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in uusan ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa uu ku watay boorso xili ka duulayay madaarka Aadan Cadde.

Muwaadinkan maanta la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir ayaa intii uu ku xirnaa xabsiga dhexe waxaa ku weeraray maxaabiis ku xirneyd kuwaasoo hore uga mid ahaa ururka Daacish waxaana soo gaaray dhaawac fudud.

Maxkamada ayaa guud ahaan dhageysatay eedeymaha ka dhanka ahaa Andrew, iyadoo wali  Maxkamadda aysan ku dhawaaqin xukunka lagu riday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]