4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2019
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo soo bandhigtay waxyaabihii qabsoomay boqol maalin oo uu xilka hayay wasiir Sadiiq Warfaa


Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadka boqolka maalin ee uu xilka hayay wasiirka wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa.

Munaasabadda ayaa sidoo kale abaal-marinno lagu guddoonsiyay howl-wadeennada hay'addaha dowladda qaar,waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin sare oo ka socday hay'adaha dowladda,xildhibaanno, agaasimayaasha wasaaraha iyo howl-wadeennada hay'adaha dowladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa ugu horreyn munaasabadda ka sheegay inay muhiim tahay in la is-waydiiyo waxyaabihii qabsoomay, wuxuuna inta ku daray muddada boqolka maalin ah oo uu xilka hayay wasiir Sadiiq Warfaa inay waxyaabo badan oo taariikhda galaya ay qabsoomeen.

Mas'uuliyiin kale oo munaasabadda ka qaybgalay ayna ka mid ahaayeen agaasimayaal guud oo ka socday wasaaradaha xukuumadda ayaa dhankooda boggaadiyay howlihii muuqday ee qabsoomay muddada boqolka maalin ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa  ka tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay xarunta wasaaradda oo uu ku geeriyooday wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda iyo howlwadeenno kale.

"Magacaabistayda waxay la kowsatay xilli ay masiibo qaran nagu dhacday, dhabbar adeyg ayaan muujinay, waxaana diidday inan meel kale ku shaqeeyo, taas waxaan ka dhaxalnay maanta inan is waydiinayno wixii inoo qabsoomay iyo halka aan u socono." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka ayaa soo bandhigay waxyaabihii ugu waaweyna ee hirgalay muddo boqol iyo lix maalin ah oo uu xilka hayo, waxaana ka mid ahaa;

. Dib u dhiska wasaaradda iyo dardar galinta barnaamijka is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha astaanta u ahaa dalka.

. Daahfurka barnaamijka horumarinta Shaqaalaha.

. 33 sanno kaddib oo ay dowladda Soomaaliya dib ula soo laabatay codkii ay ku laheyd urur-weynaha Shaqaalaha adduunka.

. Daahfurka sahanka suuqa rasmiga ah ee Soomaaliya, waxaana mashruucan uu suragalinaya heerka shaqo la'aan iyo shaqooyinka in xog laga helo, waana markii u horreysay oo dalka laga sameynayo.

. Madasha shaqo abuurka qaran oo lagu qabtay magaalada Garoowe, ayna ka qaybgaleen wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka.

. Baarlamaanka oo akhrintii koowaad mariyay sharciga Shaqaalaha rayidka oo wax ka beddel lagu sameeyay.

. Golaha wasiirrada oo ansixiyay sharciga daryeelka bulshada oo muhiim u ah bulshada, iyada oo sharcigan uu aad ugu dheeraaday wasiirka muhiimada uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiiq Warfaa wuxuu sheegay in dedaallo badan uu ku bixinayo sidii loo dhimi lahaa shaqo la'aanta ka jirta dalka, wuxuuna inta ku daray in si loo dhiirrigaliyo shaqaalaha Soomaaliyeed afartii biloodba mar la xusi doono abaalmarinana la siin doono shaqaalaha howlaha wanagsan qabta.

Gabagabada, munaasabadda ayaa wasiir, Sadiiq Warfaa wuxuu abaalmarino iyo shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha hay'adaha dowladda iyo agaamiyayaasha wasaaradaha, iyada inta badan shaqaalaha la abaalmariyay ay ahaayeen howlwadeennadii dadaalka galiyay barnaamijka tirakoobka shaqaalaha,is-xilqaan iyo abaabulka munaasabaha xorriyada.



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]