4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Shiikh Shaakir



Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo shalay kusoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre,  iyo madaxa fulinta Galmudug  Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Shiikh Shaakir uga warbixiyay natiijada kasoo baxday safarka lixda maalin qaatay ee xubnaha guddigu ay ku mareen deegaannada Galmudug iyo kulmadii ay la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Shiikh Shaakir oo bogaadiyay shaqada ballaaran ee guddigu soo qabteen, ayaa ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay wadaan si looga mira dhaliyo shir-weynaha magaalada Dhuusamareeb ka furmaya August 05, 2019 ee la isugu keenayo beelaha deegaannada Galmudug.




Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, ayaa sheegay in Shiikh Shaakir uu u  caddeeyay guddiga in reer Dhuusamareeb ay aad ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta iyo marti soorka ergada ka qayb geleysa shirka.

Guddiga oo horay uga dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta uu Dhuusmareeb ka furmayo August 05,2019 ayaa socdal saldhiggiisu yahay casuumaad gaarsiin, muda lix maalin ah ku maray Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuudwaad, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]