3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Soomaaliya oo oggolaatay ballaarinta howsha Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka ee Muqdisho

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada Ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

Heshiiska oo ka kooban qoddobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinac-yada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Sii-hayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay Wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.

Wafdiga oo dhawaaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     













Click here
7/31/2019 4:06 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho maqribnimadii caawa loogu geystay magaalada Kismaayo Nabaddoon lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdirashiid Muuse Durre

7/31/2019 1:22 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Andrew Braian Irlam oo ah muwaaadin u dhashay dalka Britain ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada gobolka Banaadir.

7/31/2019 12:54 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadka boqolka maalin ee uu xilka hayay wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa.

7/31/2019 10:31 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu'addinka) ayaa sheegay inay eryeen afartii dhallinyaro ah ee warbaahinta ka hadlay, kuwaaas oo uu ku eedeeyey inay ka baxeen anshixii iyo xeerkii u yaallay barnaamijka shaqo qaran oo ay isku dayeen inay ceebeeyaan.

7/31/2019 7:07 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Qarax ka dhashay miino lagu aasay waddada jiinkeeda ayaa dalka Afghanistan maanta ku dilay ugu yaraan 35 qof oo ku safrayey bas, islamarkaana dhaawacay 27 kale, sida ay sheegeen saraakiil.

7/31/2019 4:45 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo shalay kusoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo madaxa fulinta Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

7/31/2019 3:41 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga baaqday safar uu qorshuhu ahaa in uu ku tago magaalada Kismaayo toddobaadkan.

7/31/2019 1:25 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xuukumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Guddiga Heer Qaran ee loo xilsaaray la soco-shada Xaaladda dhaawacyadii dhawaan loo qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa faah faahin ka bixisay xaalada caafimaad ee Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

7/31/2019 1:14 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Guddiga guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhuusa-Mareeb ayaa ka digay in la siyaasadeeyo shirka loogana baahan yahay in wixii tabasho ah oo ay qabaan beelaha ay ka dhax-sheegaan shirka.