4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Rag Soomaali ah oo ku biiri lahaa Ururka Daacish oo lagu qabtay dalka Mareykanka

 

Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba nin oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya, oo maleegayey inay taageero agab iyo dhaqaale siiyaan kooxda Daacish, oo Mareykanka uu ku calaameeyey urur argagixiso oo shisheeye.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Ahmed Mahad Mohamed, oo da’diisu tahay 21 jir, iyo Abdi Yemeni Hussein oo 20 jir ah, ayaa 26-kii July lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Sida lagu sheegay dacwad dambiyeedka ka dhanka ah, eedeysanayaasha ayaa waxa ay xiriir la lahaayeen shaqaale ka tirsan FBI-da oo qarsoodi ah, oo ay u haysteen inuu taageersan yahay fikradaha kooxda Daacish.

Xiriirka dhex-maray labada Soomaalida ah iyo qofka ka tirsan FBI-da, ayaa shaaca ka qaaday inay damacsanaayeen inay u safraan dibedda oo ay u dagaalamaan Daacish, ama weerar ka fuliyaan gudaha Mareykanka, haddii ay awoodi waayaan inay safraan.

Eedeysanayaasha  ayaa la sheegay in ay iibsaday tikidh ay ugu safrayaan  dalka Masar, si ay u gaaraan gobolka Sinai uguna biiraan Daacish.

Wakiilo ka tirsan FBI-da ayaa xiray Ahmed iyo Abdi markii ay yimaadeen garoonka diyaardaaha caalamiga ah ee Tucson International Airport ee gobolka Arizona.

Sida ku cad dacwad dambiyeedkooda, labada eedeysane ayaa dalka Mareykanka ku yimid qaxooti ahaan, waxayna kasoo jeedaan Soomaaliya. Ahmed ayaa haysta kaarka degenaashaha Mareykanka (Green Card), halka Abdi uu weli yahay qaxooti.

Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah labada nin ay weli yihiin eedeyn oo kaliya, islamarkaana aysanw ax dambi ah lahay illaa ay sidaas uga caddeyso maxkamad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]