4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 30, 2019
Kullan loogu duceeynayay Marxuun Cabdifataax Xalane oo Muqdisho lagu qabtay


Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-  Kullan baroor duco iyo Alla Bari ah ayaa maanta loogu qabtay caasimadda Muqdisho, allaha u naxaristo Marxuun Cabdifataax Cumar Xalane oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Arbacadii toddobaadkii hore xarunta gobolka Banaadir.

Kullanka oo ay soo qaban qaabiyeen bahda saxaafadda gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalay suxufiyiin, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale - waxaana halkaa loogu duceeyay Marxuun Cabdifataax Cumar Xalane.

Waxaa kalo kullanka lagu soo bandhigay dadaalladi kala duwanaa ee bulshada uu ugu soo shaqeeyay marxuunka,iyada oo dhammaan mas'uuliyiinta kullanka ka qaybgalay ay isku raceen shaqsiyada wanagsaneyd ee bulshada uu uga tagay Marxuun Xalane.

AUN Cabdifataax Cumar Xalane , ayaa xilal kala duwan soo qabtay, wuxuu ahaa markii uu geeriyooday agaasimaha Nadaafadda gobolka , waxaa uu soo noqday afhayeenka gobolka iyo maamullada hay'addo warbaahin oo kala duwan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]