4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo ku baaqay in la dardar geliyo wada-hadallada Soomaaliland

Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-  Ra’iisul wasaare ku-xigeena xukuumadda federaalka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku baaqay in la dar-dargeliyo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in miiska wada-hadalka la isugu yimaado oo wada-hadal dhab ah la galo, laga dooddo hannaanka ugu habboon ee looga shaqeyn karo danaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa bishaan gudeheeda magacaabay guddiga dhab-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland si ay uga shaqeeyaan sii wadidda wada-hadalka oo la qorsheynayo in lagu gaaro tub wadahadal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]