10/20/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Ra’iisul wasaare Khayre oo Kormeer Ugu Tegay Guutada 15-ad Ee qaybta 21-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka



Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ugu tegay ciidammada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu Sunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda diyaar u ah howl-gallo lagu baacsanayo argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidammada ugu tegay kormeer dhiirri gelin iyo dardaaran ah ayaa ku boorriyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada, qarannimada, sugidda amniga iyo howl-gallada argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay uga suganyihiin dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay Taliyaha guutada 15-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir (Kaanti), isaga oo ku adkeeyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran difaaca dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay u xil saaranyihiin.

Mudane Xasan Cali Khayre oo sheegay in muhiimad wayn ay dowladda u leedahay tayeynta ciidamada iyo qalabeyntooda ayaa ballan qaaday in si dhaqsa ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fulinta mas’uuliyadda weyn.

Isku dhafka ciidamada xoogga ayaa xoojinaya guulihii laga gaaray isku dhafidda ciidamada Booliiska iyo nabad-sugidda, arrintaas oo muujineysa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku guuleystay qorshihiisii ahaa qarameynta ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada deegaanka, si ay wadajir ugu xureeyaan deegaannada Galmusug ay argagaxisadu uga sugantahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]








Click here
7/30/2019 4:12 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba nin oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya, oo maleegayey in ay taageero agab iyo dhaqaale siiyaan kooxda Daacish, oo Mareykanka uu ku calaameeyey Urur argagixiso oo shisheeye.

7/30/2019 4:09 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Kullan baroor diiq iyo duco ah ayaa maanta loogu qabtay caasimadda Muqdisho, allaha u naxaristo Marxuun Cabdifaraax Cumar Xalane oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Arbacadii toddobaadkii hore xarunta gobolka Banaadir.

7/30/2019 3:48 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaare ku-xigeena xukuumadda federaalka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku baaqay in la dar-dargeliyo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

7/30/2019 12:16 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL – In ka badan shaqaal boqol oo dhalinyarada shaqo qaran ah ayaa maanta u fadhiistay imtixaan ay u galiyeen shirkadda sifeyn doonta Saliida ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES), kaasi oo qaadanay saddex boqol oo shaqaale ka hawlgali doonna shirkaddaasi.

7/30/2019 10:58 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh.

7/30/2019 9:54 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka degmada ku gacan-seyreen dalab uga yimid guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug.

7/30/2019 9:37 AM EST
Talaado,July, 30, 2019 (HOL – Illaa afar wariye oo ka hawlgalla telefishanka Eryal Tv ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, wakhti ay ku gudda jireen shaqo maalmoodkooda caadiga ah.

7/30/2019 5:49 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Dekadda magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saakay ka bilaawday k asoo saarista haraadiga qaar ka mid ah Maraakiib horay ugu quustay dekedda.

7/30/2019 3:27 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, markii diyaarad yar oo nooca milateriga ah ay ku dhacday xilli hore oo Talaadada maanta ah meel ku dhow magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistan.

7/30/2019 3:05 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Munaasabad lagu daahfurayay Xisbiga Xoriyadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada.

7/30/2019 2:12 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Waxey u muuqataa in uu culeys ayaa soo food-saaray heshiiskii nabaadda ee dalka Sudan, kaddib markii afar caruur arday ah iyo dadkale lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay Magaalada El Obeid, ee gobolka Kordofan.

7/30/2019 1:45 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Sheekh Cali Maxamuud Xassan [Wajiis] oo ka mid ah la taliyayaasha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay habkii loo dhigay wareysi uu siiyay Wargeyska ALWaddan ee ka soo baxa dalka Sacuudiga.

7/30/2019 1:04 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalintii shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.