Odayaasha Cadaado oo diiday ka qeybgalka shirka Diib-U-heshiisiinta ee Dhuusa-Mareeb ka furmaya
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka degmada ku gacan-seyreen dalab uga yimid guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug.
Wararka ka imanaya
degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka
degmada ku gacan-seyreen dalab uga yimid guddiga qaban-qaabada shirka
dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug.
Kulanka Cadaadi u dhaxmaray
guddiga iyo wax-garadka Cadaado ayaa looga wadahadalay ka qeyb-galka shirka
Dhuusa-Mareeb oo ay guddiga ka dalbadeen odayaasha Cadaado.
Balse taa badalkeeda Odayaasha
dhaqanka Cadaado ayaa ku war-galiyay in ay tagi doonin magaaladda Dhuusa-mareeb
ee xarunta Maamulka Galmudug.
Odayaasha ayaa diidamadooda ku
sababeeyay in markii horeba ay aheyd in gogosha shirka la dhigo degmada Cadaado
oo sida ay hadalka u dhigeen ah xarunta Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug.
Guddiga qaban-qaabada shirka
dib-u-heshiisiinta ayaa sheegay in tabashada odayaasha Cadaado kula laaban
doonaan madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagu wadaa sida
qorshuhu yahay 5ta bisha Agosto ee nagu soo foolka leh uu ka furmo degmada
Dhuusa-Mareeb.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]