4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Afar Wariye oo maanta lagu xidhay magaaladda Hargeysa

 

Talaado,July, 30,  2019  (HOL – Illaa afar wariye oo ka hawlgalla telefishanka Eryal Tv ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, wakhti ay ku gudda jireen shaqo maalmoodkooda caadiga ah.

Suxufiyiintan ayaa kala ah Badri Kosar, Cabdiraxmaan Fantastic, Caydaruus Maxamed iyo sawirqaade Kamaal Cabdi, haseyeeshee xukuumada iyo ciidanka amniga ee xabsiga u taxaabay wali kama hadal.

Afartan wariye ayaa hadda ku jira saldhiga degmadda Koodbuur ee magaalada Hargeysa, .

Mudooyinkii u dambeeyey waxa soo badanaya xadhiga wariyeyaasha iyo dadka wax qorqora, waxaana wali isna dambigiisa la cadeyn walina cidi ka hadal wariye Maxamed Yuusuf Bakayle oo xarunta dambi baadhista magaalada Hargeysa ku xidhan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.