4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Dekedda magaalada Kismaayo oo laga soo saarayo haraadiga Maraakiib hore

 

Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Dekadda magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saakay ka bilaawday ka soo saarista haraadiga qaar ka mid ah Maraakiib horay ugu quustay dekedda.

Dekedda waxaa ku sugan shaqaale isugu jira Soomaaliya iyo Ajaanib oo ku howlan sidii ay dibadda uga soo saari lahaayeen biraha haraadiga Maraakiibtii hore , kuwaa oo ay dhibaato xoog leh ku qabaan Maraakiibta dooneysa in ay ku soo xirato dekedda.

Madaxweynaha Jubbaland Maxamed Axmed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa  dhowaan u jeediyay codsi beesha Caalamka in ay ka taageeraan sidii  dekadda magaaladda Kismaayo uga soo saari lahaa yeen Maraakiibta ku bur  burtay markii ay dhacday Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

 Dekedda Kismaayo ayaa ka mid ah dekedda ugu ballaaran dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Il dhaqaale muhiim u ah guud ahaanba marka dowladda gobolleedka Jubbaland.

Waxaa jiro dekeddo Soomaaliya ku yaala oo looga kala guuray haaraadiga bariha Maraakiib horay ugu quusay, hasse ahaatee kuwa hadda qaarkood shaqeeya oo ay ugu weyn tahay  Dekadda Muqdisho badi haraadiga laga soo saaray.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]