Sheekh Cali Wajiis oo beeniyay warbixin laga sameeyay Wareysi uu siiyay Wargeyska Al-Waddan
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Sheekh Cali
Maxamuud Xassan [Wajiis] oo ka mid ah la
taliyayaasha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay habkii loo dhigay
wareysi uu siiyay Wargeyska ALWaddan ee
ka soo baxa dalka Sacuudiga.
Wareyska ayaa lagu daabacay iyadoo la soo
xiganayo wareysiga Sheekh Cali Wajiis in dowladda Qatar xiriir la leedahay
kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan
Ururka Al-shabaab.
Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in si kale loo
dhigay ama loo weeciyay Wareysigii uu siiyay Wargeyska iyo su’aalihii la
weydiiyay.
‘’Wariyaha aan wada hadalnay su’aalaha uu i
weydiiyay waxaa ka mid ahaa eedeyntii loo jeediyay dowladda Qatar ee la
xiriirtay in ay gacansiiso kooxaha Argagixisada, waxaan u sheegay in jawaabta arrintan ku saabsan ay bixisay Wasaarradda Arrimaha dibadda Soomaaliya taasna ay tahay
jawaabta rasmiga dowladda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu i weydiiyay wariyaha su’aal kale oo aheyd waxaa ka jira dowladdo waaweyn dhibaato u
hayaan Amniga Soomaaliya sida Qatar oo kale isaga oo tusaale u soo qaatay in
dowladda Qatar iyo magan-galyo siisay Maxamed Saciid Attam oo ka mid ahaa
saraakiisha sar sare ee Ururka Al-shabaab, waxaan u sheegay in dowladda hadda
jirta ay ka horeysay arinta ku saabsan Attam iyo tagistiisii Qatar, tan kale
in ninkaa la og- yahay in si dhab ah uu uga baxay Ururka Al-shabaab warbaahintana uu
ka sheegay in ay ku socdaan afkaar qaldan, tagistiisa Qatar-na xitaa ay wax
ogaayeen dowladdaha waaweyn ee reer Galbeedka iyo UN-ka ayuu yiri Sheekh Cali
Wajiis.
Wuxuu sheegay in shaqsiyan uusan marnaba u arag
dowladda Qatar in lagu tuhumi karo sida uu hadalka u dhigay in ay gacan siiso
kooxaha Argagixisada ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
‘’Su’aal kale waxey aheyd sida aan u arko
cilaaqaadka Sacuudiga iyo Soomaaliya, madaama ayuu yiri wariyuhu dowladda
Soomaaliya dhinac u leexatay marka la eego siyaasadda Khaliijka, waxaan uga
jawaabay in dowladda Soomaaliya marnaba dhinac u leexan, laakiin ay qaadatay go’aan siyaasad dhaxdhaxadnimo ah, cilaaqaadka ay wadamada gobolka la leedahayna uu yahay mid
wanaagsan gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo madaxweyne Farmaajo marka la eego
safarradiisa dibadda halka ugu badan ee uu ku tagay waa dalka Sacuudiga, sidaa daraadeed
lama oran karo ayaan u sheegay Wargeyska in xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya
uusan wanaagsaneyn’’ ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.
Sheekha ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali
karin in nin Wariye ah uu Wareysi uu qaaday uu hadallo kale u dardaro, islamarkaana
uu meeel uga dhaco dowlad xiriir wanaagsan la leh dalka Soomaaliya gaar ahaan
dowladda Qatar.
Warkan ayaa daba socda warbixintii lagu dabaacay
Wargeyska New York Time ee lagu sheegay in dowladda Qatar lug ku laheyd
weerarro Argagixiso oo ka dhacay magaalada Boosaaso.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]