4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo baajiyay shir jaraa'id oo looga hadli lahaa arrimo soo kordhay

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shir jaraa'id oo wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah , Axmed Ciise Cawad ku qaban lahaa magaalada Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka dalbatay suxufiyiinta inay ka soo qeybgalaan shirka jaraa'id oo labadii duhurnimo ee saacada Muqdisho loo ballamay,kaaso markii dambe dib loo dhigay.

Wararka ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya shirka jaraa'id inuu wasiirka uga hadli lahaa arrimo soo kordhay, balse wali ma cadda waxyaabaha sida gaar ah diiradda loo saari lahaa.

Sidoo kale, waxaan la ogeyn haddii arrimo kale ay ku soo kordheen shirka jaraa'id.

Shirka jaraa'id wuxuu dib u dhacay ,iyadoo ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana maalmo ka hor dowladda Soomaaliya ay cabasho ka gudbisay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]