4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2019
Madaxweyne Muuse BIixi iyo weftigiisii oo xallay lagu soo dhoweeyey caasimadda Conakry ee wadanka Giinni

 


Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayo waxa gegida caalamiga ah ee Conakry ama Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure.

Intaa kaddib, madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini sida uu ku soo waramayo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame..

Shaqada madaxweynaha ayaa la filaya in ay maanta guddo galaan, waxaanu la kulmi doona madaxweynaha dalkaasi oo isagu casuumadda u fidiyey, Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Somaliland ahi uu dalkan safar shaqo ku yimaadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.