4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2019
Dilal siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho iyo Afgooye

 

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen Oday dhaqameed siweyn looga garanaya degmada oo lagu magacaabi jiray Xassan Yuusuf Baani.

Toogashadan ayaa xalay ka dhacday meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala tuulada laga magacaabo Sagaalaad oo warar soo baxaya sheegayaan in uu mar guddoomiye ka soo noqday marxuumka la dilay.

Raggii toogashada geystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen waxaana goobta markii danbe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Labo Nin oo ku hubeysnaa toorey ayaa la sheegay in xalay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir uu ku dileen Nin magaciisa lagu sheegay Saciid Cumar Xassan oo horay guddoomiye uga soo noqday maxkamada gobolka Shabeellaha hoose.

Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dilalka kooxaha hubeysan ay ku bartilmeedsadaan shaqsiyaadka horay xilalka uga soo qabtay dowlada, odayaasha dhaqanka iyo askarta intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]