4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ka hadlay ujeeddada socdaal uu ku gaaray magaalada Garoowe


Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo hoggaaminaya wafdi xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka , waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale.

Ugu horrayn, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ,Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa dareen wanagsan ka muujiyay socdaalka wafdiga ka socda Baarlamaanka Federaalka, wuxuu kalo uu sheegay in xiriir wanagsan iyo wada shaqeyn uu ka dhaxeyo Baarlamaanka Federaalka iyo golaha wakiillada Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, wuxuu inta ku daray in muddada ay ku suganyihiin wafdiga Baarlamaanka Federaalka ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha inay ka qaybgali doonaan xafladda xuska aasaaska Puntland oo ku beegan 1 bisha Agoosto iyo munaasabad lagu soo xirayo kalfadhiga 44 aad ee Baarlamaanka Puntland.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaalita, Maxamed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman  ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, isagoo marka sheegay inay muhiim u tahay ka qaybgalka labada munaasabadood.

Wafuud kala gadisan ayaa lagu wadaa labada maalin ee inugu soo aaddan inay gaaraan magaalada Garoowe si ay uga qaybgalaan xuska aasaaska Puntland oo hadda laga joogo muddo 21 sanno ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]